Somali News

Deni oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya odayaasha dhaqanka boosaaso iyo maamulkiisa.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo la hadlay Laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu waxaa uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya u dhexeeya odayasha dhaqanka ee magaalada Boosaaso iyo iyo maamulkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa gaashaanka u daruuray muran salka ku hayay heshiisyo uu maamulkiisa la galay oo ay kasoo horjeesteen odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweyne Deni in odayaasha aysan shaqo ku laheyn heshiisyada  uu maamula la galo shirkadaha, balse arintaasi ay u taalo maamulkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii  siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda magalada boosaaso ay ka soo horjeedsadeen heshiis uu maamulka puntland la galay Shirkad laga leeyahay dalka imaaraadka carabta, iyadoona markii dambe xabsiga loo taxaabay,, islamarkaana xukunno lagu riday.