Somali News

Deni oo kulan la qaatay Guddiga u qaabilsan Abaaraha Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Puntland, hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa Caawa lamiga ah.

Madaxweynaha ayaa dhinacyada Guddiga ka dhageystay warbixin la xiriirta  xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay dad ku nool Puntland ku yeelatay.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta dedaalka loogu jiro taakulaynta dadku abaartu saamaysay iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar deg deg ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa uga  mahadceliyay dhinacyada dadaalka ay ku bixinayaan gurmadka abaaraha iyo sidii dadka wajahaya abaarta gurmad loo gaarsiin lahaa.