Somali News

Deni oo maanta hortagaya baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furi doono Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad ka hor jeediyo baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filaya in uu ka hadlo qorshayaasha kala duwan ee u degsan xukuumaddiisu in ay fuliso, gaar ahaanna barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan.

Baarlamanka waxa horyaalla ajandayaal kala duwan, oo ay ku jiraan doorashada xubnaha Aqalka sare iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World oo aan waxba ka fulin