Somali News

Deni oo maanta khudbad ka jeedi doona furitaanka Kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka Puntland

Garowe-KNN-Waxaa maanta lagu wadaa in uu xarunta baarlamanka maamulka Puntland ee magaalada Garowe uu ka furmo kalfadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Puntland.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga baarlamanka Puntland oo haatan ay qaban qaabadeedu socoto waxaa ka qayb-gelaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee maamulka Puntland, xildhibaanno ka socda baarlamanka Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Deni, oo furi doona kalfadhigan ayaa sida qorshaysan ka jeedin doona khudbad dhinacyo kala duwan uu uga hadli doono, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, waxa lagu wadaa in Madaxweyne Deni uu ka warbixiyo safarkiisii ugu dambeeyay ee dibadda, kaas oo wixii uga qabsoomay uusan weli la wadaagin shacabka.