Somali News

Deni oo maanta ku wajahan deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Socdaalka Madaxweynaha, oo ah kii u horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tago magaalada Galdogob, waxaa ku wehelin doona xubno ka tirsan Golayaasha Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, oo u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta magaaladaasi, Hoggaanka Dhaqanka  iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi ka dhagax-dhigi doona mashaariic horumarineed, oo horay Puntland ay u ballan-qaaday in laga fulin doono magaalada Galdogob.