Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo gaaray magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kulamo siyaasadeed la qaadan doonaa , safiiro ka socda dalalka qaar, xubno matalaya wakiilada Beesha Caalamka, iyo saraakiil ka tirsan waddamada loo yaqaanno Deeq-bixiyaasha.
Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa marka uu tagay magaalada Nairobi waxaa uu la kulmau xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Maamulada Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.


