Somali News

Deni oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhinaca dhulka ah ku gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb geli doono shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaasi oo ka furmaya magaalada Dhuusamareeb