Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadlay warbaahinta , ayaa waxaa uu ka hadlay Amniga deegaanada maamulkaasi, daadkii kusoo fatahmay Qardho, sida maamulka Puntland uga jawaabay iyo gurmadka socda, isagoo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish, islamarkaana la burburiyay shabakadu ay leeyihiin ururadaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal habeen ka hor ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.