Somali News

Deni oo sheegay in madaxweyne Farmaajo laga waayay xalka Garbahaarey

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, isagoo eedeymo kala duwan u jeediyey madaxweyne Farmaajo.

Saciid Deni ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey wax kasta oo dib u dhac iyo khilaaf ku keenay doorashada Soomaaliya, isagoo mid mid u dul istaagay qodobada uu ku eedeynayo Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku dacweeyey masuul kasta oo ku heyb ah, balse qaarkood uu kala kulmay eedeyn ah inuu kala saftay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in beeshiisu aysan ka yeeleyn in gobolka Gedo uu ku wareejiyo Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo xalka Garbahareey laga waayey loo sii daba fadhiyo xaaladda dalka Soomaaliya oo dhan.