Somali News

Deni oo xilalkii ka qaaday xubno ka tirsanaa golihiisa wasiirrada kuwo kalena magacaabay

Garowe-KNN-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaar kamid ah golihiisa wasiirada xilalkii ka qaaday, sidoo kale Deni ayaa magacaabay kuwo cusub.

Wasiirrada xilalkoodii waayay waxaa kamid ah, wasiirkii warfaafinta Cali Xasan Sabarey, wasiirkii kalluumeysiga iyo khayraadka badda Faarax Cawaash iyo wasiir ku xigeenkii maaliyadda Cumar Xasan Cumar Fiqi, waxaana lagu baddelay siyaasiyiin hore xilal wasiirro uga soo qabtay maamulka Puntland.

Hoos ka akhriso magacyada wasiirada iyo wasiir ku xigeenada la magacaabay

1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska

2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda

3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta

6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda

7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.