Somali News

DF Itoobiya oo balan qaaday dhismaha masjid qadiimi ah oo ay burburiyeen ciidamadeeda

Dowladda Ethiopia ayaa ballanqaaday inay dayactirayso masjid qadiimo ah kaasoo waxyeelo ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay gobolka Waqooyi ee Tigray.

Qeybo ka mid ah Masjidka al-Nejashi ayaa duqeyn ay ciidamada Ethiopia geysteen ay waxyeelo ka soo gaartay.Masjidkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu horeeyay ee laga dhiso qaarada Afrika ayna dhiseen asxaab ka soo haajirtay magaalada Mecca.

Waxaa la rumeysan yahay in illaa 15 kamid ah muhaajiriintaa ay ku aasan yihiin nawaaxiga masjidka ay waxyeeladu soo gaartay. Masjidkan ayaa ku yaal magaalada Wukro oo qiyaastii 800km (500 miles) u jirta caasimada from Ethiopia, Addis Ababa.

Hay’ad xarunteedu tahay dalka Belgium ayaa bartamihii bishii hore sheegtay in duqeyn loo geystey masjidka kadibna ay bililiqeysteen ciidamo Ethiopia iyo Eritrean isugu jira.

Waxay hay’adu intaa ku dartay in dad doonayay inay difaacaan masjidka ay ciidamada weeraray dileen.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in maleeshiyaadkii jabhada TPLF ay dhufeysyo ka qoteen agagaarka masjidka,balse ma sheegin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Xukuumada Ethiopia ayaa xanibaad culus ku rogtay warbaahinta gobolka Tigray waxaana adkaatay in la ogaado sida dhabta ah ay wax uga dhacayeen mudadii ay dagaaladu ka socdeen gobolka Tigray.