Somali News

DF iyo QM oo wadajir caalamka uga dalbaday kharash dhan hal milion

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay lacag ka badan hal milyan oo dollar oo lagu caawinayo 4 million oo qof oo gudaha dalka ku dhibaataysan xilligaan.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in dhibaatooyin is-biirsaday oo ay ka mid yihiin dagaalo sokeeye  xanuuno, abaaro iyo Ayax koron-koro ah ay si weyn sanadkii hore u saameeyeen qiyaastii 4 million oo qof oo gudaha Soomaaliya ku nool, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadanimo.

Aadan C/lamaluu oo ah xiriiriyaha arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya ayaa sheegay in malaayiin qof ay xilligaan u baahanyihiin in la caawiyo sidaas darteedna ay u baahanyihiin lacag gaaraysa 1 milion iyo sagaal boqol oo kun oo dollar.

Aadan waxaa uu sheegay in waxa ugu badan ee xilligaan loo baahanyahay ay tahay in dadku helaan waxyaabaha aasaaska nolosha u ah sida biyo nadiif ah, hooy ay galaan, iyo  adeegyo caafimaad.

Sanadkii dhamaaday waxaa loo aqoonsaday sanadkii ugu adkaa ee ay dhibaatooyin bini’aadanimo ka dhaceen dalka Soomaaliya, waxaana qoraalkaan maanta soo baxay lagu sheegay inay isbiirsadeen daadad, Ayax, abaaro iyo xanuunka Corona oo si weyn u curyaamiyay dhaqaalaha wadanka, taas oo keentay inay cawimaad u baahdaan in ka badan 5 million oo ruux.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xaquuqul insaanka iyo maareynta masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed ayaa asna sheegay inay u baahan yihiin gacan ay ka helaan saaxiibada Soomaaliya si loo gar-gaaro dadka dhibaataysan.