Muqdisho-KNN-Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye Qarafaan ayaa sheegay in aysan ka dib dhacayn doorashada Galmudug waqtigii loo qorsheeyay ee bartamaha sanadkaan 2019.
Wasiirka oo wareysi siiyay Idaacadda VOA laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in DF-ka Soomaaliya ay qorsheyneyso in aysan dib maalmo uga dhicin doorashada Galmudug waxa uuna warar aan sax aheyn ku tilmaamay hadalkii dhowaan ka soo baxay hogaanka Galmudug.
Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in doorashada Galmudug ay dhici doonto Bisha 12aad ee sanadka 2021-ka. Wasiir Qarafaan ayaa sheegay in aysan DF-ka Soomaaliya ay dhib badan ka martay dhismihii Galmudug hadana ay muuqato in dhib kale laga marayo doorashada Galmudug.