Somali News

DF-ka oo u yeertay Safiirka Soomaaliya xarunta UN-ka ee Geneva

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.

Muddo todobaad ah ayaa loo qabtay in ay magaalada Muqdisho ku soo gaarto Faadumo C/llaahi Maxamuud oo ah haweeneyda Soomaaliya u fadhida xarunta xaquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee magaalada
Geneva.

Si rasmi ah looma oga sababta loogu yeeray, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ay arintaan ka dambeysay kadib markii ay ka aamustay
go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa in ay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights.