Somali News

DF oo ciidamo hor leh saakay u daabushay degmada Luuq

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in hub iyo ciidan dheeraad ah ay saakay geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay dowladdu ka waday abaabullo ka dhan ah maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay ciidamo iyo hub ku daabuleyso degmada Luuq, si ay colaad uga huriso deegaanada gobolka Gedo.

Saakay ayaa waxaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay boqolaal ka mid ah ciidamada Pooliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ay u daabushay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuwaas oo diyaarado looga qaaday garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan degmada Baardheere waxaa laga qaaday ciidamo ay dowladdu horay u geysay, kuwaasi oo la geeyay degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka jiray gobolka Gedo,  kuwaas oo ay wadaan ciidamada ay dowladda federaalku geysay gobolkaas iyo kuwa Jubbaland oo ka howlgala qeybo ka tirsan gobolkaasi Gedo.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay Gobolka ka hurineyso colaad, isla markaana ka digay in dagaal ka dhaco.