Somali News

DF oo galabta Qatar kala kala wareegtay deeqdii caafimaad ee ugu horeysay

Muqdisho-KNN-Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya ka guddoontay dawo iyo agab caafimaad oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda Qatar uga mahad celisay taageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Waa gargaarkii ugu horeyay oo dowladda Qatar ay soo gaarsiiday Soomaaliya tan iyo markii uu dilaacay xanuunka Coronavirus, waxayna Soomaaliya garab istaaga ugu badan ka heshay dowladda Turkiga oo in ka badan seddax jeer  Muqdisho kasoo dejisay gargaar caafimaad inta uu dalku wajahayey xaladaha caafimaad ee ka dhashay xanuunka Coronavirus.

Diyaaradda ay maanta soo dirtay dowladda Qatar ayaa kusoo hakatay magaalada Hargeysa oo ay ku soo dejisay qaar ka mid ah agabkii caafimaad oo ay siday, waxaana xusid mudan in madaxda dowladda federaalka ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda Qatar oo gargaarkii ugu horeyay galabta soo gaarsiisay Soomaaliya.