Somali News

DF oo ku dhawaaqday inay diyaarisay Manhajka Dugsiyada Sare

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Taliinta Sare ee Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu soo geba gebaynayo qoraalka buugaagta Manhajka Qaran ee dusiyada Sare ee dalka.

Diyaarinta Manhajkan ayaa waxaa gacanta ku hayey aqoonyahanno Soomaaliyeed, kuwaas oo sida la shaaciyey haatan soo gaba gabeeyay.

Waxaa munaasabbada xafladdan qadka Internet-ka uga qayb galay  wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale waxaa xafladda goobjoog ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada ,Axmed Xasan Yuusuf,  iyo masuuliyiin kale .