Somali News

DF oo la shaaciyey inay dib u fasaxeyso duullimaadyada dalka

Muqdisho-KNN-Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dib u bilaabi doonta duullimaadyada dalka toddobaadkan gudihiisa, sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen saraakiisha laanta hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo mas’uuliyiinta shirkadaha duullimaadyada ayaa lagu go’aamiyey arrintan.

Saraakiisha laanta socdaalka iyo shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada waxay raacidoonaan qawaaniin caafimaadka oo ay kusoo rogtay wasaaradda caafimaadka dalka, taas oo ku saabsan ka hortaga COVID-19.

Tallaabooyinka lagusoo rogay waxaa kamid ah, inay rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha xirtaan qalabka lagu daboosho afka, sanka, gacmo gashi iyo agabka lagu nadiifiyo gacmaha ee jeermiska dila.

In kastoo xubnaha noo waramay aysan si rasmi ah u shaacin maalinta, hadana waxaan kasoo xiganeynaa in go’aanka lagu gaaray in duullimaadyada la furo todobaadkan gudihiisa.

29-kii bishii Maarso ayaa si ku-meel gaar ah loo joojiyey duullimaadyada dalka gudahiisa ah, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, xilligaas oo cudurkan uu ku cusbaa Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa fasax gaar ah la siiyey duullimaadyada xaaladaha deg degga ah, gaar ahaan kuwa sida dawooyinka iyo cuntada qutul daruuriga ah.