Somali News

DF oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah, dad u dhintay iyo kuwo ka bogsaday

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd shaacisay tirada kiisas cusub oo Coronavirus ah, kuwaas oo aad u badan.

Warbixinta maalin laha ah ee wasaaradda ayaa maanta lagu shaaciyey in cudurkaas laga helay 79-qof oo ku kala nool Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Gobolka Banaadir ayaa ugu kiisas badan, waxaana laga diiwaan geliyey sida ku xusan warbixinta 38-kiis, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyey 22-kiis, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 11-kii, halka Puntland laga diiwaan geliyey 8-kiis oo xanuunka COVID-19 ah.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurkan ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay u geeriyoodeen 3-qof, inta la ogyahay, halka ay kasoo bogsadeen 14 qofood.

62 ka mid ah 79-ka qof ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 835-kiis, dadka kasoo bogsaday ayey tiradoodu gaartay 75 qofood, halka 38-qof ay ugu dhinteen xanuunkan gudaha Soomaaliya.