Muqdisho-KNN-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee cudurka Coronavirus, taas oo ay ku shaacisay kiisas cusub.
Warbixinta wasaaradda waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay xanuunkaas laga helay 51-qof.
Hal qof ayaa u geeriyooday xanuunkaas, halka 10 qof oo kalena ay kasoo bogsadeen, sida ku cad warbixinta maanta.
37 kamid ah 51-qof ee maanta cudurka laga helay waxay ku noolyihiin Banaadir, 12 ayaa ku nool Puntland, halka labada kalena ay ku noolyihiin deegaanada Galmudug.
32 ka mid ah dadkaas waa rag, halka 19 kalena ay dumar yihiin.
Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya ayaa gaaray 722-kiis, 44 ayaa ka bogsatay, halka 32 ruux ay u geeriyootay.