Muqdisho-KNN-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay in Feyruska Corona ay ka bogsoodeen 16 qofood oo cusub, taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 204 qofood.
Fowziya Abiikar ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 21 xaalado cusub oo COVID19 ah, oo kala jooga gobalka Banaadir 19, iyo Puntiland 2, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,594-kiis.
Bukaannada cusub 14 kamid ah waa rag, halka todobada kale ay dumar yihiin. 24-kii saac ee ugu dambeeyay lama diiwaan gelin bukaan u geeriyooday cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, waxay ugu baaqday bulshada inay ku dadaalaan kahor tagga cudurkan si loo yareeyo faafitaankiisa.