Somali News

DF oo sheegtay in G/SH/Hoose lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka hoostaga degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Tuulooyinka howlgalka laga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Warta bula caday , Warmuuse, Dhiktaray, Garfale oo hoostaga degmada walaweyn ee gobolka shabellada hoose.


Taliyaha Ururka 64Aad ee Guutada 7Aad Ciidanka Xoogga Dalka Cali Cabdulaahi Halac oo Howlgalka Hoggaaminayey ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay bur buriyeen Saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen tuulooyinkaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalka lagu dilay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.