Somali News

DF oo si kulul uga hadashay maxaabiis ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar

Muqdisho-KNN-Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay guddigii loo xil saaray kiiska maxaabiis dhawaan ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in guddigaas ay ku howlan yihiin sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadkii xabsiga ka fakaday iyo sida ay ugu suurto-gashay.

Wasiirka ayaa xusay in wixii ka dhacay xabsiga ay aheyd arrin halis ah, islamarkaana kuwii fududeeyay loola xisaabtami doono, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Seddax maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar ayaa la sheegay in dhawaan baxsadeen, inkasta oo mid ka mid ah dib loo qabtay, sida lagu sheegay war ka soo baxay masuuliyiinta xabsiga dhexe ee Xamar.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana horey loogu riday xukunno, taasi oo dowladda dhexdeeda ka dhalisay carro xoog leh iyo kala shaki badan.