Somali News

DF oo soo celineysa dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaara Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shirka guddoomiyay kulan uu yeeshay guddiga qaran ee ka hor tagga cudurka Coronavirus oo la qabto habeen walba.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaallada loogu jiro ka hor tagga xanuunka Coronavirus iyo qodobo kale, waxuuna Kheyre warbixino kala duwan ka dhageystay xubnaha guddiga Qaran ee ka hor tagga cudurka COVID-19.

Inta badan waxaa la sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray sidii dalka loogu soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala xayiran dalalka caalamka, iyada oo la marayo nidaamyada caalamiga ah, lana dhowrayo badqabka caafimaad ee dadkaas.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa guddiga Qaran ee ka hor tagga cudurka COVID-19 waxa uu faray inay sii laba jibaaraan dadaallada dalka looga xakameynayo xanuunka Coronavirus, illaa xad.

Waxaa cirka isku sii shareeraya xawaaraha uu dalka ugu sii faafayo cudurka Coronavirus, waxaana Soomaaliya saacadihii u dambeeyay laga diiwaan geliyay 73 kiis.

Tirada guud kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,357 xaaladood, 148 qofood ayaa kasoo bogsatay xanuunkaas, halka 55 kalena uu geeri ku sababay, inta la ogyahay.