Somali News

DF oo war ka soo saartay sarkaal sare oo Al-Shabaab looga dilay J/Dhexe

Muqdisho-KNN-Kadib howlgal qorsheeysan oo ay ciidanka sida gaarka u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka ee Danab ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howgalkaas.

U jeedka howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa dilka sarkaalkaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa maktabka warbaahinta, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cusmaan Dhegacade.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay ku guuleeysteen u jeedkii laga lahaa howlgalkaas ay ku dileen sarkaalkaas oo ay sheegeen inuu muhiim u ahaa kooxda.