Muqdisho-KNN-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinteedi maalin-laha aheyd ee cudurka COVID-19, waxeyna ku shaacisay kiisas hor leh oo COVID-19 ah.
Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan geliyay 58-kiis oo laga kala helay Banaadir 32, Hir-Shabelle 11, Somaliland 8, Galmudug 3, Puntland 2, Koonfur Galbeed iyo Jubbland oo laga diiwan geliyay hal kiis oo COVID-19 ah.
Sidoo kale warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyay in aysan jirin dad loo diiwaan geliyay in cudurkaas ay u dhinteen, waxaana kasoo bogsatay 12 qofood.
49 kamid ah dadka maanta laga helay xanuunka waa rag, halka 9-ka kale ay dumar yihiin.
Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 2,204 xaladood, 418 qofood ayaa kasoo bogsatay, halka inta la ogyahay ay u geeriyootay 79 ruux.