Somali News

DF Somalia oo war ka soo saartay abaalmarinta WFP

Muqdisho-KNN-Sii-hayaha wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray barnaamijka cuntada Adduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020-ka ku guuleystay Abaalmarinta caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano (Nobel Peace Prize).

“Aniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Xamsa.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Inti uu jiray COVID-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul.”