Somali News

DF Soomaaliya oo Xayiraada ka qaadeysa Qaadka Kenya

Dowladda Soomaaliya lagu wadaa in ay fasaxdo Qaadka Miirooga ee ka yimaada wadanka Kenya, ka dib wada hadalo dhexmaray Madaxda sare ee labada dal.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo khamiistii safar ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa dhigiisa Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kala hadlay arrinta Qaadka, isla markaasna ay gaareen Isfagarad ku aadan sidii dib loogu fasixi lahaa.

Dhinaca kale, Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in laba toddobaaf ka dib uu dib u bilaabmi doono Ganacsiga Jaadka oo hakad ku jiray muddo labo sanno ah, balse si qarsoodi ah ayaa loo soo gelin jiray qeybo kamid ah dalka.

Xiriirka Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wanaagsaneyn intii uu xilka hayay Madaxweynihii 9-aad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhowr jeer ayaana la joojiyay qaadka Kenya.