Muqdisho-KNN- Dawalada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in dalka Soomaaliya dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaali ah kuwaas oo ku go’doonsanaa dal ka mid ah dalalka caalamka.
Muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka ayaa gaarayaa 200 oo dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo ku sugnaa dalka Malaysia.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dhalinyaradan ay dalkaasi u joogeen arimo waxbarasho iyagoo oo markii dambana halkaasi go’doon ku ahaa.
Dawlada Soomaaliya ayaa dadaalo fara badan waxa ay ku bixineyso sidii ay dalka dib ugu soo celin lahayd muwaadiniinteeda ku go’doonsan dalalka Caalamka.
Sidaan oo kale ayaa dawlada Soomaaliya waxa ay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku kala sugnaa dalal ay ka mid yihiin Kenya, Hindiya iyo qaar kale.