Uncategorized

DFS oo agab caafimaad oo laga hortagayo Covid 19 ku wareejisay Galmudug

Wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa wasaaradda caafimaadka XFS iyo hey’adda WHO kala wareegtay agab caafimaad oo isugu jira kuwa looga hor tagayo iyo qalabka lagu baaro safmarka COVID-19.

Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in agabkan la gaarsiin doono dhammaan isbitaalada maamulka, isagoo u mahad celiyay dowladda federaalka iyo WHO sida deg deg ah oo ay uga jawaabeen codsigii ay u dirsadeen kal hore.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo cudurka coronavirus oo haddda ku soo labo kacleeyay dalka.