Uncategorized

DFS oo cambaareysay qaraxyo ka dhacay Ciraaq.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay qaraxyo mataano ah oo khamiistii lala beegsaday suuq bulsho oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha caasimadda Ciraaq ee Bagdaad.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan”.

“Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taagantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo, waxayna muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah” ayaa la raaciyay qoraalka.

Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu dilay, 110 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin mataano ah oo khamiistii ka dhacay bartamaha Bagdaad.