Somali News

DFS oo ciidamadii ugu badnaa geysay Gedo.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dawlada federaalka Soomaaliya ay mar kale diyaarad sida ciidamo ku gaysay magaalada Doolow ee gobolkaasi.

Ciidamada ay geysay dawladdu magaalada Doolow  ayaa waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamo boolis iyo militeri isugu jira, kuwaas oo horay u joogay magaaladaasi, degmooyin iyo deeganno kale oo ka tirsan gobolka Gedo.

Degmada Doolow ayaa  waxaa maanta laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gor-Gor , kuwo ka tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwo boolis ah oo isugu jiray Haramcad iyo kuwo horay u joogay gobolka, waxayna saraakiishu sheegeen in dhaq-dhaqaaqyadaas ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegaanada gobolka Gedo.

Taliyaha xasilinta gobolka gado Bakaal Kooke oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Al-shabaab laga saari doonno gobolka gedo, waxaa uuna fariin culus u diray dadka ku sugan gedo oo uu sheegay in  ay bixiyaan warbixinada gobolka.