Somali News

DFS oo deegaanada Puntland ka celisay diyaarad siday Qaad oo ka timid Kenya.

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa Puntland ka celisay diyaarad siday qaadka Miirooga, kaasi oo ka soo qaadday Kenya, sida ay ku warramayso warbaahinta Kenya.

Maamulka Miirooga ee Kenya ayaa sheegay in celinta diyaaraddan ay u gaysatay dhaawac weyn oo dhaqaale.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Nyambene Miraa Kimathi Munjuri ayaa ka horyimid tallaabadaas, isagoo sheegay in diyaaradda xamuulku ay raacday dhammaan qawaaniinta iyo qaab dhismeedka sharciyeynta.

Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka  ee Kenya, kaas  oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday Qaadka hawada laga  celiyay bilowga todobaadkan, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay in ay geli karto hawada Soomaaliya.

Horey ganacsatada Qaadka ee Kneya aya sheegay inay lumiyeen ilaa $ 80,000 kadib markii ay khasaare xoogan ay kala kulmeen badeecadii qaadka ee loo safriyay Soomaaliland.

Bishii hore ayaa sidan oo kale ay DFS dalka uga celisay diyaarad qaad oo laga leeyahay dalka Kenya.