Somali News

DFS oo eedeyn u jeedisay Jubbaland iyo Puntland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlay Doorashada Soomaaliya iyo xaaladda dalka ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Somalia.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkeedu dhammaaday ay tanaasul badan ka sameeyen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada, isla markaana ay weli jiraan caqabado kale oo taagan.

Waxaa oo uu sheegay Wasiir Maxamed Cabdirisaaq in la qabtay shirar kala duwan oo looga hadlaayay arrimaha khilaafka uu ka jiro iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii bishii September oo haatan caqabado badan hor taagan yihiin.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayuu Wasiirka ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii la gaaray, isla markaana ay kasoo jawaabi waayeen Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.