Somali News

DFS oo gacanta ku dhigtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan ku bur buriyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga Gobolada Shabelloyinka iyo Hiiraan.

Howlgalka Ciidanka kumaandooska fuliyeen ayaa waxa ay kusoo qabteen saraakiil uu ka mid yahay Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali ,sarkaalkii Maktabka waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcade  Cali Cabdulle Jilacow, iyo Horjogihii Sakawaadka Al-Shabaab ee Gobolada Shabeloyinka  Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay  in Ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal ku bur buriyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen gobolada Hiiraan iyo Shabelloyinka.

Taliye Maxamed Saleebaan waxa uu tilmaamay howlgalka lagu soo qabtay horjogayaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab.