Muqdisho-KNN-Dawladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay gargaar u dirto dadkii ay fatahaaduhu ku saameen gobolka Shabeellada Hoos.
Gargaar ayaa waxaa magaalada Afgooye maanta gaadhsiinaya xubno ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose,kan degmada Afgooye.
Gargaarkan loo wado magaalada Afgooye ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka raacay qaar ka tirsan Ciidamada Militeriga Soomaaliya.
Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay ka mid ahayd meelaha ay saameeyay fatahaadda uu ka sameeyay webiga Shabeelle qaybo ka mid ah gobolada dalka.


