Somali News

DFS oo hakisay qabashada codsiga Baasaboorka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney hakisay qabashada codsiyada baasaboorka cusub ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u doonan jireen xafiisyada dowladda.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta qoraal soo dhigtay bareheeda Bulshada waxa ay ku sheegtay iney talaabadan qaaday, waxeyna sababta ku micneysay si loo hakiyo faafitaan xanuunka Coronavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.

“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe” ayaa lagu yiri qoraalka laanta Socdaalka.

Joojinta dalbashada Baasaboorka Soomaaliga ayaa si isku mid ah uga dhaqan galaya guud ahaan dalka, taasoo saameyn muuqata ku yeelaneysa dadkii arrimaha Caafimaadka u aadi jiray dalalka Caalamka, kuwa Waxbarashada iyo dadka kale ee howlaha ganacsiga uga xiran yihiin Baasaboor qaadashada.