Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii ay Al-Shabaab saakay ku qaadeen degmada Wisil ee gobolka Mudug, iyadoona tacsi u dirtay ehellada dadkii ku waxyeeloobay.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo.
Qaar ka mid ah shacabkii iyo askartii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa galabta loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si dowladdu daryeel caafimaad ugu fidiso.



