Somali News

DFS oo ka hadashay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

War kasoo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana caawa muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta.

War uu soo saaray Wasiir Xundubay ayaa sidaan u qornaa:

Malleeshiyaad hubaysan ayaa Caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa.

Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.