Muqdisho-KNN-Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya aya sheegtay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta sida ay wasaaradu sheegtay ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumo ay shirkadda taleefoonada ee Hormuud ku leedahay gobolka Gedo.
Warqad qoraal ah oo wasaaradda gaashaandhigga ka soo baxday ayaa lagu sheegay inay soo gaartay xog ku saabsan duqeymo horleh oo loo geystay xaruumaha shirkaddaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobolka Gedo islamarkana ay tahay wax laga xumaado.
Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay sida ay uga xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, ayna la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xagga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.
Ma jira ilaa iyo imika wax war ah oo ka so baxay dowladda dalka Kenya.