Somali News

DFS oo ka hadashay duqeyn ka dhacday G/Baay

Howlgal military oo si wadajir ay u fuliyeen Taliska Ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu burburiyay Xarun ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulafuulaay degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa kale oo lagu dilay mid ka dagaalameyaashii xarunta la beegsaday ku jiray sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro khasaaro soo gaaray shacabka inta lagu jiray Howlgalka.