Somali News

DFS oo ka hadashay qaraxyada miino ee ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa si kulul ugu hadlay qaraxyada nooca miinada ah ee maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ka hortagtay yareentada qaraxyada loo adeegsado gaadiidka oo Al-shabaab ay ka geysan jiryay Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu xusay in Al-shabaab ay badeleen qorshahooda, islamarkaana ay bilaabeen in miinooyinka dhulka lagu Aaso ay dhigaan hareeraha wadooyinka Muqdisho

Wasiirka ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha qashinka lagu shubo, sidoo kale ay iska hubiyaan in Albaabkooda hortiisa la dhigay qarax Miino oo dhibaato u geysan kara