Somali News

DFS oo ka hadashay sharciga Batroolka ee muranku ka taagan yahay

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay mar kale ka hadashay hindise sharciyeedka Batroolka dalka, kaas oo ay meel labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Sharcigan ayaa markii la ansixiyay kadib waxaa ka dhashay muran, taas oo ka timi dawlad goboleedyada dalka ee ay ugu horayso Puntland.

Wasiirka wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu ay horay dawlad goboleedyada dalka ka jira kala hadashay qaybsiga khayraadka dalka ee uu kamidka yahay Batroolka.

Hadalkan ayaa waxa uu wasiirku ka sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dawladda.

Waxaa uu hadalkiisa uu ku soo aadayaa xilli war ka soo baxay maamulka Puntland , lagu sheegay in ay qaadaceen sharciga Batroolka ee la anxisiyay.