Somali News

DFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlay ka hortaga Maalgalinta Kooxaha Argagixisada

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulan heer sare ah oo u dhaxeeyay Guddiga Qaran ee ka hortaga Maalgalinta Argagixisa iyo lacag dhaqidda Soomaaliya iyo hogaanka sare ee Ururka ka hortaga Maalgalinta argagixisada dalalka Barriga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Shirka oo ahaa mid fogaan arag ah ayaa looga wadahadalnay dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah  iyo maalgelinta argagixisada.

In kasta oo ay jiraan caqabado badan, haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dadaalaysaa sidii loo sii xoojin lahaa la dagaalanka Kooxaha Argagixisada.