Kadib markii maalma ka hor dagaal dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu qeybo ka tiran gobolka hiiraan ku dhexmaray labo beel oo walaala ah ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culima-udiinka, ganacsatada, dhalinyarada, ururrada haweenka iyo waxgaradka in ay kala shaqeeyaan Masuuliyiinta ka socda DF Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle joojinta dagaalkaas dhexmaray beelaha walaalaha ah ee wada dega Magaalada Beledweyne.
Ugu Dambayn, Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Ayaa waxay labada beelood ee walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhxemartay qeybo kamid ah gobolka hiiraan ugu baaqday joojinta dagaalkaas ayna qaataan Nabadda Iyo bad baadinta Dadka Shacabka ah.
Dagaalka dhexmaray labada beelood ayaa waxaa uu dhaliyay khasaara lixaad leh, Xalinta colaadda Taaganne dowladda waxa ay uxilsaartay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.
Qoraalka Kasoo Baxay Wasaaradda Hoos ka Aqriso.



