Somali News

DFS oo maamul KMG ah u aqoonsatay SSC Khaatumo

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay si dhow ula shaqayn doonto maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo, iyadoo dowladdu sheegtay inay aqoonsan tahay go’aankii masiiriga ah ee ay gaareen duubabka dhaqanka ee kasoo jeeda degaanadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo jeedinayay warsaxaafadeed kasoo baxay kulamadii Muqdisho uga socday hoggaamiyaha SSC iyo dowladda federalka, ayaa sheegay in ay dowladda si buuxda uga howlgalayso wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee degaanada SSC- Khaatumo.

Wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay maamulka SSC- Khaatumo iyo Somaliland in ay la kala wareegaan maxaabiista ay kala haystaan, wuxuuna sheegay dowladda federalku inay diyaar u tahay inay fududayso sidii arrintaas ay ku dhici lahayd.