Somali News

DFS oo maanta deeq gargaar u dirtay G/Hiiraan

Mas’uuliyiin ay ku jirto Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa maanta Garoonka diyaaradaha ka ambabixiyay diyaarad qaaday deeq gargaar, taas oo ku wajahan degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, mas’uuliyiintiu diyaaradda ka sagootisay Garoonka Aadan Cadde waxaa ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan, kuwaas oo kala ah:  wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir iyo xildhibaan Cabdinaasir Shirwac.

Sii-Hahaha xilka Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka ay maanta gaarsiinayaan degmada Buula-burde ay qeyb ka tahay dhammeystirka qeybinta Sahayda gargaar, si bey tiri aan u gaarsiino deegaanada ugu daran iyo qaarka go’doonka ku jiray muddo.

“Annagoo fulineeyna amarka Madaxweynaha JFS waxaan weli ku guda-jirnaa dhammeystirka qeybinta Sahayda Gargaarka si aan u-gaarsiino deegaanada ugu daran iyo qaarka go’doonka ku jiray muddo oo Abaaraha saameeyeen sida degmada #Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan-Hirshabeelle.” Ayey ku tiri qoraal kooban ay soo saartay Khadiijo Diiriye.

Sidoo kale, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarkaan loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka hiiraan, iyadoo xustay in deegaano iyo degmooyin kale la gaarsiin doono.

muddo ka badan 10 sano ayey degmada Buula-burde go’doon ugu jirtay Ururka Al-shabaab, iyadoo ka mid ah deegaannada iyo degmooyinka ay sida daran u saameysay abaarta dalka ku dhufatay.