Somali News

DFS oo sheegtay in 25 ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Mudug

Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa u gudbay deegaanka Shabeelow oo fariisin ay ku leeyiin Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay 25 ka tirsan Al-shabaab, iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen.

Sidoo kale, ciidamada ayaa howlgal ka sameeyay deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara.