Ciidanka Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanno iyo tuullooyin ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Ciidanka maanta la wareegeen deegaannada Guulane, Daaru-salaam, Xarga-dheere iyo Mabaax oo ka kala tirsan goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka ay kusii siqayaan degmada Aadan Yabaan oo ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.