Uncategorized

DFS oo sheegtay in dad badan ay ka bogsadeen Covid19

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 254 qof oo cusub todobaadkii tegay ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,579.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 89 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland (46) Somaliland (30) Hirshabeelle (7), gobalka Banaadir (3) Koonfur Galbeed (2) iyo Jubbaland (1) iyo taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,575.

Bukaannada cusub 40 ka mid ah waa rag 49-na waa dumar, 9 bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 762 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.